News in other languages

News in other languages

Luokitusnavigaatio

Sisältöjulkaisija

angle-left Fasaxa jiilalka waxaa wanaagsan inaanad safaro gelin iyo inaad dadka ka fogaattid

Fasaxa jiilalka waxaa wanaagsan inaanad safaro gelin iyo inaad dadka ka fogaattid

Koroona aad ayey ugu soo badanaysaa Fiinland oo dhan. Dowlada Fiinland wexey gooan ku gaadheen inaa ilaskaga difaaco cudurkani gacan culus. Dowlada Fiinland wexey goaamisay saas daraatteed inaanu ku jirno xilli xilliyada caadigaa ka duwan 8.3 illaa 28.3. Xilligan gudihiisa safarka iyo xaafisyada tegitaankiisa waala xakamaynayaa.

Koroonada meesha ugu daran ee Fiinlanday kaga dhacday waa koonfurta Fiinland, galbeedka Fiinland iyo waqooyiga Fiinland. Labadan wiig ee ugu dambeysey Fiinland xaalada koroonada ayey ugu darnayd xattaa haddii loo barbar dhigo sanadkii hore ee xilligan markaa la xidhayey Helsinki. Kiisaska aad ayey u baddeen inkastoo ilasku deyey inaa ilaska difaaco cudurka. Tani waxaa laga wadaa iney jirto khattar aad u weyn inaad qaattid koroona. Bil matalan Helsinki wexey xidhay meeloyin ay dadka isku yimaadaan.

Koroona wexey xattaa ku soo badattay Pohjois-Karjala iyo magaalada Joensuu. Laakin xaaladeena xakan aad bey ugaga fiicantahay xaalada koonfurta Fiinland. Safarkasta haddaa waa inaa laga daxaddiraa. Gobolka Joensuu wexey isku diyaarinaysaa iney xidho meelaha ay dadka isku yimaadaan iyo waxaa laga codsanayaa dadka gobolka Joensuu degen iney ku dhaqmaan farimaha caafimaatka ku saabsan. Inkastoo la diyaarinayo iney dadku meelaha isku yimaadaan la xidhidoono iskuuladku si caadiga ah ayey u furnaanayaan.

– Hadda waxaa muhim ah inaa la safrin fasaxan jiilalka  iyo inaa ilasku dayaa in dadkale oo reerkaaga ahayn inaad la kulmin. Sobobtoo ah fairuskana si sahlan ayuu u faafayaa haddii aad dadka la kulantid amma aad safartid. Haddii aad jirro yar xattaa isku aragtid waa inaad taktaa baadhitaanka koroona, waxaa sheegaya madaxda gobolka Kari Karjalainen.

–Waxaanu la tashannay xilhayeyaasha inaa la wadikaro waxbarasha iskuulka ku dhacaya wexeyna goaan ku gaadheen inaa la wadidoono iskuulka fasaxa jiilalka gedib  wax barashada ku dhaca 15.3 laga bilaabo. Hadey arimaha wax iskaga soo bedelaan waxaa idinla soo  socodsiinayna wilmada. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad wilmada la socottiin. Mdaxda waxbarashada Olli Kauppinen.

Waxaanu jeclaanlahayn  inaad is wada taageertiin wakhtigan adag awgeed. Waxaanu idinla talinlahayn inaad banaanka tagtiin idinkoo iska ilaalinaya dadka kale laakiin hawada soo qaadanaya. Waxwalba illein mabnuuc ma ahani. Xasuustana inaad sanka iyo afka xidhattiin, markaad dad iskaga soo horbaxaysiin Karjalainen.

Websaidada gobolka Joensuu waxaad ka akhrisankartiin fariimo ku saabsan xafiisyada iyo wax la dhikma sidaad arimihiina ku xalisanlahaydeen. Waxaa muhim ah haddii aad xanuusantahay inaad gurigaaga joogtid. Waxaana xasuusattaa inaad dadka 2 mitir inuu ii dhexeeyo. Mararka loo baahdona inaad sanka iyo afkaba xidhattiin iyo inaad xasuusattiin habka loo qofaco. Dadka ku jiro guruubka halistaana waa iney daxadiraan oy miisaamaan iney ka qaybgeligaraan meelaha ay dad badan isku imanayaan

Fariimaha haddii aad ku dhaqantiin waxaad ka war haynaysiin dadka idiin dhow, sobobtoo ah qofkasta isagoo is ogayn ayuu faafinkaraa cudurka coroona fairus. Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran inuu dadka u dhow iyo isaga laftarkiisa inuu khattar gelinin. Karjalainen.

Fariimaha haddaad faahfaahin uga baahantihiin waxaad ka helaysiin websaitadan:
www.joensuu.fi/en/web/english/covid19-en
 www.joensuu.fi/en/web/ru/covid19
 www.joensuu.fi/en/web/english/covid19-ar

Magaalada Joensuu wexey idin xasuusinaysaa fasaxa jiilalka

  • Ha u safrin Fiinland gudiihisa amma wadamaha kale
  • Hana marti qaadin meelaha kale Fiinland ka imanaya sobobtoo ah hadda xilli ilasku imaado ma ahan
  • Ka daxattir inaad isku dhawaattaan dadkale oo reerkaaga ahayn
  • Wakhti xaflado la dhikto ma ahani ee hadhiganin
  • Guruubyo waaweyn hala kulmin hana tegin meelo dad badani ay joogaan
  • Afka iyo sangaba xidho gacmahana wax badan meyd
  • Fariimaha lagu falayna ku dhaqan haddii laguugu amrona karantiin fuli gurigaagana haka bixin
  • Haddii wax yar oo jiro ah isku araktid markaaba tag baadhitaanka koroona
  • ma garankartid inaad cudurka koroona mise inuu jirro kale yahay marwalba waa muhim inaad isasoo baadhit

Sivu arviointi ja palaute